My Country, My Pride!

The Republic of Somaliland has been a ‘new’ country in the midst of hostile region for the last nineteen years. For almost these two decades, enormous achievements have been brought to fruition. Clans wars are no longer significant obstacles. So is the security.  The country is progressing despite the little support from the World.  Every Somalilander is milking in peace, and the hopes are high. Our strength as a nation lies in unity, not division. With solidarity, we can accomplish great things together. We must be thankful to Almighty God for He has kept us together when in fact our neighbours are still shedding their blood. Our traditional state-building approaches have attracted the world attention, and many scholars recommended that our system can serve useful lessons for African states who have failed to put their pieces together again.

In this piece, however, I am very concerned ( and little more critical) about Somaliland’s development. As a Somaliland student who has a bright future ahead of him, I feel obliged to comment about our state of affairs before it gets too late. I can not be silent and soldier on with my ‘private business’ when the national duty is calling. So let this brief article be a wake-up call for Somalilanders.

Somaliland has longed for a visionary leader who does not lead us astray. I dream of a leader that is elected not because of the clan he happens to be, nor the mere promises he makes during election campaigns, but instead is chosen because of the wisdom of his political character. We are desperately in search of a leader who thinks seriously about the means of taking services closer to where life is impossible and no more get hectic about the worldly things but instead puts Somaliland first.

I look forward to a country where people get serious about the value of education and understand that schools are the platform where tomorrow’s religious scholars, doctors, engineers and civil servants are trained. A country where useless degrees and examinations are done away with, and only students with an aptitude and talent go for further education while the others are given a chance to re-define where passion lies. If our students are not well-taken care, needless to say, they will end up in dark future.

In the same spirit of patriotism, I look forward to a country where its youth will genuinely interact in a meaningful way beyond their localities instead of quarrelling about the ‘dirty politics’ and making short stories about ‘clannism’ in streets and tea shops.bca41e12df9df24156402fba379d09c4

I dream of such a country where transparency is the catchphrase for governance. I wish a state where the police improve their work ethics, become people-friendly and where teachers are respected and well-paid. I look forward to a country where people are no longer crazy at consuming khat but rather take books and go to schools, work for the well-being of their families and on the top of all services for their communities.

I am as a result of this calling upon every Somalilander to put the public interests way above their private interests. Fortunately, for all that I suggested, none requires a big conference to debate. They are all just do-it-matter! Because they are dreams built upon attainable pillars and for whose realisation, many like me, are committed to seeing it turn to reality till the last drop of their blood. Let’s work for a time where we will be an example of peace, prosperity, progress and brotherly co-existence to our neighbors and world at large.

Abdikadir Askar is a Vice President of Uganda Somaliland Students’ Association (USOLSA). He is currently studying a Bachelor’s of Arts in Public Administration at Kampala International University.


Hoggaaminta Habboon

                       “Rag madaxdu ka halowdaa, waa marrin habaabiye.”

Qofka ayaa lagu aaminaa mansabka hoggaaminimo marka laga arko awood dheellitiran oo uu u leeyahay hanashadeeda. Isla markaana lagamamaarmaan ka dhigaysa ka dhabaynta himilada guud. Hadaba, marka koox dadka la hoggaaminayo ka mid ahi aqbasho himilooyinkaas, taasi waxay ballaysintaa dhaqdhaqaaq isbedel doon. Isbedelkuna wuxuu kolba la jaanqaadaa waxay dadku aaminsan yihiin – dabcan ma aha dadkoo dhan, waa se dadka hormoodka u ah isbedelka la rabo. Read More


Garnaqsi Haween

“ Haddaan Gaari Kula Jirin, Illayn Noloshu Guul Ma Leh.” – Hadraawi

Gogol dhig:

Haweenku waa udub dhexaadka nolosha. Waana lafdhabarta jiritaanka iyo waaridda bini-aadmiga. Macnaha dahsoon ee ragga loogu lammaaneeyey, ka sokow in la tarmo, waa in ay noloshu dhadhan yeelato. Haweenku waa warshad wax soo saar . Waxa ay ababisaa hooyadii iyo aabbihii berrito. Siduu wax soo saarku ugu kala duwan yahay tayada iyo tiradaba, ayuun bay haweenkuna kala siman yihiin. Haweenku waa baadi sooca bulsho ku dhaadato. Hagaagiddoodu waa bulsho horumarkeeda. Hallawgooduna waa heermid bulsho idil. Taasaana keenaysa in dumarku saamayn ku yeeshaan doc kasta oo nolosha ah. Read More


Buuggaan Baryahaaba U Bu’ayey

 

Gorfaynta Buugga Yuusuf X. Aadan

 

“Geeddi Nololeedkii Yuusuf X. Aadan”,
Fawsiya Yuusuf X. Aadan.
Daabacadii Koowaad, @ftahan
Publishers,
London
, 2007, ISBN 978-0-9550274-1-3.

Arar

Badanaa waxaad sugtood, saadaalisaa. U samirtoo, sibiq kugu soo galaa. Maba dheerayn’e, markaas uunbaan hadhimadii afka ka qaaday. Cadceeddoo kululaydna ka hadhso is idhi.Sariirtana isu gaad-bixinayaa. Waxaan isu soomelmelay, ilays si aayar ahku saaqay guriga. Dhinacuu afaafku xigeyna u jeestay. Yaab! Ma cidkalaaba, illeyn waa wiilkaan aqal-wadaagta ahayn. Nabaddiino ka dibna, isagoo kolba kab saaraya, ayuu dhinacna iga leeyahay: “Oo saaxiib buuggaan inoo sido maanadarkaynba?” Intaan si miyir la’ u soo hinqaday, dhinaciisii u holladay. Mise waa buuggaan baryahaaba u bu’ayey “Geeddi Nololeedkii Yuusuf X. Aadan” oo Fawsiya Yuusuf X. Aadan ku fara-yaraysatay. Mareegaha Soomaalida ayuun baan ka dhaadi jiree, ma anaaba dhab u arkayba! Akhriste, maanta kaasaan wax inooga soo garoocdee, ee bal ila dhawr. Read More


Reenkaygu Ma Riyadayda Oo Rumadaa!

Cirka nimankaa sahanka u diree, caadka ka hayaamay,
Cadceediyo dayaxa dawladahan, caawa kala sheegtay,
Caynkeennanay soo wada mariyo, caado liitahaye,
Cilmigii ay ku gaadheen rag waa, ku cibro qaataaye,
Candhadeeda nimankii karshee, cunay ku goosmeene,
Darfi wuxuu ka muuqda shacbiga, caafimad qaba’e.


Arar

Baraaruggaagu marbuu badhaadhe noqdaa, bilkhayr iyo marbuu bushaaro noqdaa. Balladuna markaasay barbarkaas ka baxdaa. Adduunse marba dhinac u billiglee. Si fiican ayaan subaxdaasi u waaberistay, bustahana isaga rogay. Abaabul iyo diraargarow baan u heensaysanahay, jarmaadaduna waxay ku beegnayd meel aan sidaas nooga sii ridnayn­-makatabaddii Jaamacadda. Hammuun waxaan u qabaa inaan gaadho irriddeeda, waxaan u heellanahay subaxdaas, bal in aan dhinac isaga duwo wixii baryahaaba wehelka ii ahaa. Tiigsigaygu wuxuu noqday buug dheeh cagaar iyo madow ahi ku kulmeen. Tollow muxuu inoo sheegi? Cabbaar markay dhaayuhu ka bogteen, noqday mid si xeel-dheer u lafa-guraya Waxbarashada dalka soo-koraya ee Yugaandha. Read More


Fursadaha Shaqo Abuur Iyo Faaqidaada Dareenka

Shaqaale Hawl Ku Jira

“Fahamkeeda guudnimo,

Fursadaha shaqo abuur,

Farsamooyin lagu helo,

Anigoon fogaaneyn,

Waxay faalladaydii,

Tidhi inay fura u tahay

Caqligoo fayoobiyo,

Cilmi fiican loo helo,

La falgala danaha guud.’

I. Arar

SHAQO LA’AANTA Somaliland ayaa noqotay mid si ba’an u baahday oo cunnugii caloosha ku jiray laga yaabaa inuu ka war qabo. Haddii mid calool ku jiraa wax maqlayo. Waxay noqotay wax qof weliba ku waaberiisto, kunna gabal dhacsado. . Qof kasta gurigay ugu gashay oo surmo-seejisay. Werwer iyo walaac jooga ay dadka baday. Waxay su’aali noqotay, tollow dabar ma leedahay? Ma abtirsataa? Yaa u ehel ah? Qofba dhinac u qaad, dareenkiisna ku qiyaas, aniguna gudoonkay iyo daba-qabashadeed. Read More


Waayahu Surgacanaa, Dhallintuna Salfududaa, Wadankuna Silloonaa

Dhalinyaro Tahriibaysa

Arar

In badan baa qalbigu qarsaday, ilmadun qoysay dhabanada, qalinkuna ila qabay sidaas. Maantase adkaysi ma hadhin. Waxaanan u holaday inaan wax ka qoro mawduud noqday nolol-malmeedka dhalinyarro badan, hadal-hayntiisuna qiiradeeda lahayd. Gabal-dhaca iyo waaberyaba waxaad maqlaysaa war dhiilo leh oo qofkii muwaadin ahi ka damqanayo dhibaatada iyo durxumada maanta haysta dhalintii, ubaxii dalka u soo kacayey, ee maalin- la-sheegaba baddaha iyo lama-degaanada dunida ku haligmaya. Maxaa saaxiib,walaal iyo qaraabe kale oo la jeclaaba caloosha nibiriga iyo libaax-badeedyadu xabaal u noqdeen? Maxaa dhalin wiilal iyo gabdhabo leh , intay jaamacado amma dugsiyado dhamaystay, dalkoodii dal kale ku doorbiday, sillic iyo darxumo mutaystay? Akhriste, marna ma u damqatay dhalintaasi la dayacay ee la ilaabay waayahoodii?
Read More