DHAGAR QABE (Sheeko Dadban)


dhagar qabeArladii waa la kharibay. Meel kasta dhagar baa lagu galay. Dhiiggii waa kan durduuraanaya. Tan baa u danbaysay dalkii barwaaqada lagu yiqiin. Oohinta iyo uurku taalada ayaa guri walba saaxiib la noqotay. Lugahani dhulka jiitamay waa kuwo mar hore tamar dareeyey. Waa kan dhulkii si habalqale ah ugu dul dhacay. Ninkan dhulka salka ku hayaa waa mid waayuhu gacmo duubeen. Murugadda wejigiisa ka muuqata waxa aad moodaa in cadaabtii loogu sii bishaareeyey. Haraad buu kax taagan yahay, balse ma tiigsan karo xareedda hortiisa galalaclaynaysa. Intaa wuu maqan yahay, mar qudhana isma weydiiyo waayaha ballada badan ee uu la nool yahay. Wuxuuba u haystaa wax dabiici ah oo isaga loogu talo-galay. Haa , loogu talo galay oo intii kaga beegnay uu ka hantiyey. Halkaasuu fakar dheer galaa oo sannado badan oo uu soo dhaafay giiraanta nolosha dib ugu celiyaa. Read More