Heestani la magac baxday ‘’Xurmo” oo ah mid xanbaarsan dardaaran,gubaabo iyo weliba kalgacayl walaalnimo. Waa mid aan uga gol leeyahay inaan maamus iyo qadarinba uga dhigo walaashayda igu dhalashada xigta Xafsa Dayib Askar. Waxaanan sidoo kale ula jeedaa inaan ku booriyo dadaalka badan iyo hal adaygnimada walaashay oo hadeer ka qalin jebisay jaamacada Kampala International University iyadoo ka qaadatay Master of Arts ( Development Studies). Waana tan ee akhris wacan.
Walaashay Xafsaay
Xubigaan ku hayo
Ma xisaabin karayoo
Xarafkaan ka heesaba
Xannuun bay iga keenee
Markastaba xasuusnow
In aad xiskaygiyo
Xiisahaygii aad tahay.
*******************
Walaashay Xafsaay
Adigaa xaq-dhawriyo
Edebiyo xishoodiyo
Xurmiyo wanaag badan
Markastaba xasuusnow
In aad xiskaygiyo
Xiisahaygii aad tahay
******************
Walaashay Xafsaay
Adaa aqoon xeeldheeriyo
Xeerkeed yaqaane
Xaafadeena dhawroo
Xogogaal ahow
Xilkaagii diintiyo
Xijaabkiina ha dayicin
Markastaba xasuusnow
In aad xiskaygiyo
Xiisahaygii aad tahay
******************
Walaashay Xafsaay
Deeqsi xoolo badanoo
Xaqaaga dhawroo
Gacaliyo xigaaliyo
Xurmahagooga dhawroo
Xilkasnimo raggeediyo
Kugu xeera diinbaa
Meel kuugu xidhan’e
Markastaba xasuusnow
In aad xiskaygiyo
Xiisahaygii aad tahay
****************
Xaashe walaaleey
Duco aan xisaablayn
Daraf kuugu xidhayoo
Xag Allaad ka heliyoo
Xulafadii Rasuulkaad
Xero aad la degiyoo
Markastaba xasuusnow
In aad xiskaygiyo
Xiisahaygii aad tahay
***** Dhamaad**********
Maansha Allaah C/qaadir iyo Xafsa Dayib Askar walaalo isjecel ifka Aakhirana Janadda ku kulma alle ha idinka yeelo walaal. Hees duco iyo amaanba waxa dhameeyay walaalkaa qoraaga aqoonyahanka da’da yar ee rabi hibada u siiyay.
LikeLike