Munaasibad Loogu Wanqalay Golaha Dood- Wadaag, Laguna Soo bandhigay Cilmi baadhis ay Sameeyeen Ardayda Somaliland ee Uganda


Kampala-(HWN)-Munaasibad balaadhan oo si heer sare ah loo agaasimay, looguna wanqalayey Gole cusub oo la yidhaa. DOOD-WADAAG Forum, ayaa lagu qabtay hoolka weyn ee qaybta tacliinta sare (School of Postgraduate) ee jaamacadda Kampala International University.   Waxaa ka soo qayb galay arday aad u tiro badan oo ka kala socotay dhamaan jaamacadaha kala duwan ee dalkani Uganda. Waxaa  marti sharafka koowaad ee munaasibada ahayd Marwo Kaltuun oo ah Gudoomiyaha Dallada Guud ee Haweenka Somaliland, NAGAAD. Kulankani oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee laga qabtay guud ahaan jaamacadaha ardayda Somaliland wax ku barato ee dalkani Uganda. Read More