Afrika ‘habaaran’

 

“Qoysku waa sida kaynta oo kale. Marka aad dibadda uga baxsan tahay, kayntu way cufan tahay. Marka aad dhex joogtidna, geed kasta  wuu kuu muuqanayaa.”

Maahmaahdan waa mid ay adeegsadaan dadka af-Sawaaxiliga ku hadla, ee ku nool inta badan wadamadda Berriga Afrika. Afrika marka aad dibadda uga baxdo, laga yaabaa in ay kuula muuqato hal dal, oo isku saansaan eeg, hal dareenana wadaaga. Bal se marka aad dhexjoogtid, macnuhu sidaas wuu ka badalan yahay.

Nus qarni ka hor, markii badanka dawladaha Afrika xoroobeen, waxa ay haabka ku hayeen in ay heli doonaan madax-bannaani dhammaystiran. Waxa ay odorsayeen in ay ka xoroobi doonaan colaadaha, maamul-xumadda, dawlad la’aanta iyo gaajadda rafaadisay. Bal se taasi weli ma dhaboobin! Ilaa haatan, ma jiro waddan Afrikaan ah oo cunto ku filan soo saartaa. Manna jirto dawlad Afrikaan ah oo ka kaaftoontay deeqaha iyo caawimadda ay ugu yaboohaan wadamadda horumaray. Sidaas la ajligeeda, Afrika waxa ay la wareegaysaa ‘moqorafadii dawarsiga’, waxaana weli ku xidhan seetadii gumaysiga! Continue reading “Afrika ‘habaaran’”

Daa’uuska Afrika- Safarkaygii Dheeraa! Q7aad

Waa qormooyin taxane ah oo sawir dhab ah ka bixinaya duruufaha dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee Dalka Yugaandha.


Markii aan yaraa, waxa aan jeclaa daawashadda filimaanta Hindida ee lagu turjumo Xamar.  Filin kasta oo aan daawado, kama aan waayi jirin qof dhintay, oo xaabo lagu tuulo, dabadeedna la gubo. Ma se fahmi jirin, xikmadda iyo fal-sadda ka danbaysa. Aniguna iskuma luri jirin in badan waayo waxa igala weynaa madadaaladda aan ka heli jiray oo ka xiiso badnaa.

Ma aan helin jawaab aan ku kaaftoomo ilaa aan safar ugu baxay magaaladda Jinja, oo 80km dhinac waqooyi-galbeed ka xigta Kambaala. Continue reading “Daa’uuska Afrika- Safarkaygii Dheeraa! Q7aad”

Daa’uuska Afrika- Safarkaygii Dheeraa! Q6aad

Waa qormooyin taxane ah oo sawir dhab ah ka bixinaya duruufaha dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee Dalka Yugaandha.


Waqtigu wuxuu ahaa hillaac ordaaya. Maalmihii waxa ay noqdeen billo, bilihiina sannado, aniga oo weli la ashqaraarsan fal-safadaha yaabka badan ee aan dalka ku arkayey.

Weydiimaha kala duwan ee aan is-weydiinayey ma ay ahayn kuwa tiro yar. Marka aan mid jawaabteeda helona, waxa haddana igu soo maaxanaysay mid kale oo ka sii daran.

Maaweelo waxa ii ahayd akhriska wargeysyada dalka, oo si weyn u qaabeeyey, unna badelay fahanka aan ka qabay nidaamka dawladeed  iyo qaab-dhismeedka bulsho ee Yugaandha. Continue reading “Daa’uuska Afrika- Safarkaygii Dheeraa! Q6aad”

Daa’uuska Afrika- Safarkaygii Dheeraa! Q5

 

Waa qormooyin taxane ah oo sawir dhab ah ka bixinaya duruufaha dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee Dalka Yugaandha.


Yugaandha, waa dal Ilaahay ku manaystay dhul dihin oo beerashada ku wacan. Haddii si fiican dalka loo beeri lahaana, waxa hubaal ah in cuntada laga soo saaraa ku filnaan lahayd Afrika oo dhan!

Dhaqaalaha dalku waa mid kobcaya, kunna socda xawaare dhan 5.6 %  sannadkiiba. Werwerka ugu weyn ee jiraa waa sugnaan la’aan siyaasadeed. Madaxweyne Musevani iyo qoyskiisa ayuun bay talladu ka ururtaa, dastuurkana waxa ay ka dhigteen shaadh iyaga leeg, oo ay ugu adeegtaan kolba sidii ay doonaan. “Dal ba’ow yaa ku leh?” ayuu qofkii booqdaana is-weydiinayaa. Continue reading “Daa’uuska Afrika- Safarkaygii Dheeraa! Q5”

Daa’uuska Afrika- Safarkaygii Dheeraa! Q4aad

Waa qormooyin taxane ah oo sawir dhab ah ka bixinaya duruufaha dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee Dalka Yugaandha.


Yugaadha, dadku hore uma hoydaan waanna la saamalaylaa!  Maqaaxiyaha, hudheelada iyo meelaha kale ee lagu caweeyaa waa kuwo markasta camiran, oo aan hore looga rawixin.

Caweyska habbeenimo waxa dhib ku haya korontada sida joogtada ah u tagta, oo dhaqaaq kasta joogsi gelisa. Wallow dalku leeyahay biyo-xidheen balaadhan oo ku yaal bar-bilawga Webiga Niil ee  Magaaladda Jinja, haddana waa mid aanay dawladdu si weyn iskaga xil-saarin. Waanna marka aad xaqiiqsanayso in aad weli Afrikadii Madoobayd dhex joogto! Continue reading “Daa’uuska Afrika- Safarkaygii Dheeraa! Q4aad”

Daa’uuska Afrika- Safarkaygii Dheeraa! Q3aad

Waa qormooyin taxane ah oo sawir dhab ah ka bixinaya duruufaha dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee Dalka Yugaandha.


sam_2493
KAKINGA: Waa hoyga ardayda jaamacadda KIU

Waa mar kale iyo hoygii ardayda ee aan ku degay, Kakinga.

Habeenkii koowaad, wuxu galbaday aniga oo aan laba indhood isku keenin. Waxa aan la kadeednaa ‘qaniinyadda’ daran ee kaneecada I dul goob-yaalaysay, ee duullaanka igu soo qaaday. Waanan dareemi karayey farriinta ay ii soo tebinaysay, ee ahayd: “ U adkayso qaniinyadayda, amma maadhe meel kale raadso!”

Aniga oo weli indhihii mar maranaya, daal badanna I hayey, ayaa waxa aan ku war-helay waaggii oo soo guduutay. Daaqada qolkayga waxa dul-roorayey biyo badan, oo ka dhashay roob shuux ah oo fiidkii bilaambay. Continue reading “Daa’uuska Afrika- Safarkaygii Dheeraa! Q3aad”

Daa’uuska Afrika- Safarkaygii dheeraa! Q2

Waa qormooyin taxane ah oo sawir dhab ah ka bixinaya duruufaha dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee Dalka Yugaandha.


uganda-flag
Khariirada Yugaadha oo lagu xardhay calanka dalka.

Anigga oo shandadaydii riixaya, ayaan u soo baxay barxadda Geggidda Caalamiga ah ee Entebbe. Cabbaar baan hareeraha jeedaaliyey, indhahana la raac-raacay dadka badan ee hortayda tumanaa. Cidna kama aan garanayn! Waxa se markiiba maskaxdayda ku xidhmay muuqaalka i hor imid, ee aan sii malaysanayey. Waa dad madow, dhererka gaabni u badan, oo si fiican uga turjumaya dadyowga Baantuga ah ee Afrika ku dhaqan.

 Qofkasta oo indhahaygu qabtaan wuu muraaqaysanaa. Wejiyadoodana waxa aan ka akhrisan karayey weedho aan u fasirtay “Ku soo dhawoow dalkan!”
Waxa aan si lama filaan ah gacanta iigu haadiyey nin dheer oo lebis qurxoon. Waa nin degnaansho iyo kalsooni badan ay ka muuqatey.

Continue reading “Daa’uuska Afrika- Safarkaygii dheeraa! Q2”

Daa’uuska Afrika- Safarkaygii Dheeraa!

Waa dabaal-deggii 54aad ee ka soo wareegtay xilligii ay gobonimadda qaadatay.


Waa qormooyin taxane ah oo sawir dhab ah ka bixinaya duruufaha dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee Dalka Yugaandha.


  “Shimbiraha heesaya, midabadda kala jaad jaadka ah iyo nolosha deganaanshu ku ladhan tahay, ayaa dareenkayga qabsaday… Waaba ‘Daa’uus’.”

Waa weedhihii aan sal-guurin ee Winston Churcil, hoggaamiyihii caan baxay ee reer Ingiriis, ku tiraabay lugtiisii koowaad ee uu ku yimid Afrika.

Wixii uu Churcil arkay 1907, ee uu ku soo bandhigay buuggiisii “ Safarkayga Afrika”, ayaa weli dhab ah. Dalkan waa Daa’uuskii Afrika.

Yugaandha, waa dal Ilaahay qurux dabiici ah ku manastay. Waa dhul caggaaran, oo roob badan. Dhir dhaadheer iyo kuwo gaaban oo ay indhahaagu eegmadooda ku dhaygagayaan ayaa meel walba teedsan.

Waa dal aan lix sanno ku noolaa, oo aan ilaa haatan xasuuso iyo xiiso badan aan u qabo.

Bal aan girraanta dib u celiyo.

Waa 3dii galabnimo, 8dii Ogos 2008. Waxa aan ka soo degay Garoonka Caalamiga ah ee Entebe, aniga oo ay I weheliyaan laba wiil oo reer Soomaalilaan ah.

Waxa aan u gudbay qol yar oo uu dhex fadhiyo nin xoogan, oo weji furan. Inta uu baasboorkii iga gudhiyey, dabadeena iigu dhuftay dal-ku-gal saddex bilood ah, ayuu ii raaciyey:

“ Welcome to Uganda, Ssebo.”
“ Thanks, I am Askar though!” ayaan ugu jawaab-celiyey.

Ereyga “Ssebo” waxa aan u qaatay in uu magacayga mooday. Waanse khaldana! Wuxu noqday ereygii aan ugu adeegsiga badnaa, lix sannadood oo aan ku sii noolaa dalka Yugaandha. Macnaheeduna yahay mudane!

Waxa aan indhaha la sii raacay sawir soo laad laaday, oo kor sudhnaa, ninkan igu soo dhaweeyey dalkiisa. Waa sawir kur ah oo dhinac laga sawiray.

Waa nin da’ dhexe ah, midabkiisuna marriin yahay oo saalaxyo leh. Sawirka hoostiisa waxa ku xardhan qoraal kooban.Yoweri Kagute Musaveni, The President of Republic of Uganda.

Museveni, wuxuu iigu muuqday qof yididiilo buuxa, oo dareen togan xanbaarsan. Si hoose ayaaban iskugu idhi malaha waa Soomaali soo lumay.

Waa aamuraha Alle iyo isla doonashe, waa isla isaga, intii uu dalka haystay iyo inta aan jirayba, is leeg yihiin! Wuxuu dalkan qabsaday 1986.

LA SOCO

Maalin wanaagsan

 

Milal Dushii Lama Dhayo!

 

 “Gobol waliba kii dhibay
Ha geeyeen maxkamadaha
Nabsigey guraayeen
Godolkiis ha maaleen
Haku fulo ganaax adag
Ha gareysto uunkuna
Haddii weyl la gowracay
In uu dibi wedkii galay”- Ing. Qorane

Maanta waa maalin kale oo ‘madow’. Waxa aan si dhaw isha ugu hayaa mudaharaadada rabshaduhu hadheeyeen ee ka socda dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya.

Ma aha ‘ugub’. Waa se muuqaalo aan markasta ka dheegto muuq-baahiyaasha caalamka, ee soo tebiyey wararka Afrikadda Madow. Waa dhacdooyin xidhiidhsan oo xannuun badan, oo tan iyo intii aan garaadsaday, dhaayahaygu arkayeen. Waa burbur iyo balan-bal! Continue reading “Milal Dushii Lama Dhayo!”