Daa’uuska Afrika- Safarkaygii dheeraa! Q2

Waa qormooyin taxane ah oo sawir dhab ah ka bixinaya duruufaha dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee Dalka Yugaandha.


uganda-flag

Khariirada Yugaadha oo lagu xardhay calanka dalka.

Anigga oo shandadaydii riixaya, ayaan u soo baxay barxadda Geggidda Caalamiga ah ee Entebbe. Cabbaar baan hareeraha jeedaaliyey, indhahana la raac-raacay dadka badan ee hortayda tumanaa. Cidna kama aan garanayn! Waxa se markiiba maskaxdayda ku xidhmay muuqaalka i hor imid, ee aan sii malaysanayey. Waa dad madow, dhererka gaabni u badan, oo si fiican uga turjumaya dadyowga Baantuga ah ee Afrika ku dhaqan.

 Qofkasta oo indhahaygu qabtaan wuu muraaqaysanaa. Wejiyadoodana waxa aan ka akhrisan karayey weedho aan u fasirtay “Ku soo dhawoow dalkan!”
Waxa aan si lama filaan ah gacanta iigu haadiyey nin dheer oo lebis qurxoon. Waa nin degnaansho iyo kalsooni badan ay ka muuqatey.

Continue reading

Advertisements

Daa’uuska Afrika- Safarkaygii Dheeraa!

Waa dabaal-deggii 54aad ee ka soo wareegtay xilligii ay gobonimadda qaadatay.


Waa qormooyin taxane ah oo sawir dhab ah ka bixinaya duruufaha dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee Dalka Yugaandha.


  “Shimbiraha heesaya, midabadda kala jaad jaadka ah iyo nolosha deganaanshu ku ladhan tahay, ayaa dareenkayga qabsaday… Waaba ‘Daa’uus’.”

Waa weedhihii aan sal-guurin ee Winston Churcil, hoggaamiyihii caan baxay ee reer Ingiriis, ku tiraabay lugtiisii koowaad ee uu ku yimid Afrika.

Wixii uu Churcil arkay 1907, ee uu ku soo bandhigay buuggiisii “ Safarkayga Afrika”, ayaa weli dhab ah. Dalkan waa Daa’uuskii Afrika.

Yugaandha, waa dal Ilaahay qurux dabiici ah ku manastay. Waa dhul caggaaran, oo roob badan. Dhir dhaadheer iyo kuwo gaaban oo ay indhahaagu eegmadooda ku dhaygagayaan ayaa meel walba teedsan.

Waa dal aan lix sanno ku noolaa, oo aan ilaa haatan xasuuso iyo xiiso badan aan u qabo.

Bal aan girraanta dib u celiyo.

Waa 3dii galabnimo, 8dii Ogos 2008. Waxa aan ka soo degay Garoonka Caalamiga ah ee Entebe, aniga oo ay I weheliyaan laba wiil oo reer Soomaalilaan ah.

Waxa aan u gudbay qol yar oo uu dhex fadhiyo nin xoogan, oo weji furan. Inta uu baasboorkii iga gudhiyey, dabadeena iigu dhuftay dal-ku-gal saddex bilood ah, ayuu ii raaciyey:

“ Welcome to Uganda, Ssebo.”
“ Thanks, I am Askar though!” ayaan ugu jawaab-celiyey.

Ereyga “Ssebo” waxa aan u qaatay in uu magacayga mooday. Waanse khaldana! Wuxu noqday ereygii aan ugu adeegsiga badnaa, lix sannadood oo aan ku sii noolaa dalka Yugaandha. Macnaheeduna yahay mudane!

Waxa aan indhaha la sii raacay sawir soo laad laaday, oo kor sudhnaa, ninkan igu soo dhaweeyey dalkiisa. Waa sawir kur ah oo dhinac laga sawiray.

Waa nin da’ dhexe ah, midabkiisuna marriin yahay oo saalaxyo leh. Sawirka hoostiisa waxa ku xardhan qoraal kooban.Yoweri Kagute Musaveni, The President of Republic of Uganda.

Museveni, wuxuu iigu muuqday qof yididiilo buuxa, oo dareen togan xanbaarsan. Si hoose ayaaban iskugu idhi malaha waa Soomaali soo lumay.

Waa aamuraha Alle iyo isla doonashe, waa isla isaga, intii uu dalka haystay iyo inta aan jirayba, is leeg yihiin! Wuxuu dalkan qabsaday 1986.

LA SOCO

Maalin wanaagsan

 

Milal Dushii Lama Dhayo!

 

 “Gobol waliba kii dhibay
Ha geeyeen maxkamadaha
Nabsigey guraayeen
Godolkiis ha maaleen
Haku fulo ganaax adag
Ha gareysto uunkuna
Haddii weyl la gowracay
In uu dibi wedkii galay”- Ing. Qorane

Maanta waa maalin kale oo ‘madow’. Waxa aan si dhaw isha ugu hayaa mudaharaadada rabshaduhu hadheeyeen ee ka socda dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya.

Ma aha ‘ugub’. Waa se muuqaalo aan markasta ka dheegto muuq-baahiyaasha caalamka, ee soo tebiyey wararka Afrikadda Madow. Waa dhacdooyin xidhiidhsan oo xannuun badan, oo tan iyo intii aan garaadsaday, dhaayahaygu arkayeen. Waa burbur iyo balan-bal! Continue reading