Doorashada Kiiniya, Duruus Ugu Filan Somaliland


Ma fududa, marka la joogo dunidda Saddexaad ah, gaar ahaan dal Afrikaan ah, in madaxweyne xilka ku fadhiya, doorasho looga adkaado. Waayo waxa uu gacanta ku hayaa ‘awood aan xad lahayn’, wuxuuna u bedali  karaa ‘awoodaas’ mid isaga ugu shaqaysa ‘sida uu rabo’, oo aan haddana lagula xisaabtamin. Arrintan waxa ay tahay boog madow oo ku taalla damiirka shucuubta ku nool Dunida Saddexaad, waxa ayna  wiiqdaa korniinka dawladnimado iyo geedi-socodka dimuqraadiyadeed. Read More