Gelbiskii Geerida- Q12aad

Abshir waxa uu toosay inyar ka hore hiirtii waaberi. Dhaxan daran baa jirtay oo qofka u diidaysay in uu weysaysto, waa se uu ku qasbanaa in uu si uun maaro ugu helo. Laba rakacdood oo sunne ah ayuu ku tukaday mawlac ku dhex yiil xerada uu ku noola. Dabadeedna salaaddii subax buu ku xigsiiyey markii ay jamaacadii soo buuxsantay.

Mawlicii buu ku sii negaa oo uu ku akhrisanayey adkaar badan iyo aayado quraan ah ilaa diiggu cidii joojiyey. Abu-Xasna oo qori AK-47 ah xanbaarsan ayaa soo is-taagay afaafka hore ee mawlaca uu Abshir ku cibaadaysanayey. Suul-dhabaale ayuu ku soo jeediyey Abshir oo qushuuc la gadhoodhsan. Continue reading “Gelbiskii Geerida- Q12aad”

Gelbiskii Geerida- Q11aad

Dhawr dharaarood oo danbe ayuu Abshir ka sii fakarayey weedhihii waannada lahaa iyo hadalladii xamaasadaysnaa ee Sheekh Yuusuf Cadaad. Abshir wuxu yaqiinsaday in Sheekhu waayo-arag u yahay nolosha qurbaha tiil iyo ta dalka gudihiisaba. In uu sii joogteeyo xidhiidhkiisa, Abshir xiiso weyn buu u qabay.

Aabo Shirre inta badan isma ay arki jirin wiilkiisa Abshir. Waxa ku badnaa safarada ganacsi ee uu ku tagi jiray deegaanadda kale duwan ee Gobolada Sanaag, Beri iyo Nugaal. Ganacsigiisa Kalluunku wuxu ahaa mid aad u suuq badan, shirkaddiisuna waxa ay u kobcaysay si xawli sare leh. Aabo Shirre wuxu filanayey in wiilashiisa, gaar ahaan Cumar-yare iyo Abshir, ay la maamuli doonaan ganacsiga bal se waxa ay ahaayeen niman aan u heelanayn amuuraha ganacsi ee aabahood waday. Continue reading “Gelbiskii Geerida- Q11aad”

Gelbiskii Geerida- Q 10aad

Abshir waxa xarun u noqday Masaajidka Al-Hidaaya oo uu u ahaa goob uu ku cibaadaysto, si taxane ahna ugu xidhnaa duruusta diiniga ah ee lagu dhigo waqtiyada salaadaha Casar iyo Maqrib u dhaxayeeya. Masaajidku wuxu u ahaa goob uu kaga kaaftoomay fadhiisigii maqaaxiyaha iyo la sheekaysigii suuq-joogtada ay Boosaaso ku caanka ahayd.

Si tartiib-tartiib ah ayuu la macaamilkiisii dadku u kobcay. Abshir waxa caado u ahayd in uu xidhiidh la sameeyo sheekh kasta oo muxaadiro u jeediya si uu weydiimo hor leh ugu sii qod-qodo duruustooda. Taas oo nafsi ahaan kobcisay, kunna abbuurtay firfircooni maskaxadeed oo cusub. Continue reading “Gelbiskii Geerida- Q 10aad”

Gelbiskii Geerida- Q9aad

Abshir in uu la qabsado jewigii cusbaa ee Boosaaso ma ay ahayn mid sahlan. Waxa ka hortimid dabeecaddii cimiladda iyo af-soomaaliga oo aanu si fiican ugu xidhiidhi karin.

Aabo Shire wuxu noqday ganacsade si weyn looga tix-geliyo Boosaaso. Wuxu lahaa shirkad kalluunka ka ganacsata oo xafiisyo ku leh Boosaaso, Garoowe iyo Laas-qoray. Ganacsigaas oo si weyn uu ugu macaashay, hanti badan ka helay. Continue reading “Gelbiskii Geerida- Q9aad”

Gelbiskii Geerida- Q8aad

Giiraanta waqtigu way rooraysay. Il-bidhiqsi kasta wuxu ahaa mid xiiso gaar ah huwan oo aan la dhaadayn goorta uu ku dhaafay. Xogaha uu xafiiskaygu isku soo ururiyey waxa ay ahaayeen kuwo amakaag leh. Rumaysigoodu ma uu hawl yarayn waxa ayna u baahnaayeen in laysku xidhiidhiyo si dhacdooyinku u noqdaan kuwo isa-sudhan.

Dib ayaan ugu soo laabtay xafiiskaygii ku dhex yiil Saldhiga Militari ee AFRICOM. Dabadeedna waxa aan furtay kombuytarkayga gacanta oo lagu soo shubay muuqaalo cusub iyo codad kala duwan oo laga soo ururiyey dadkii Abshir isku yaqiineen Mareykanka. Continue reading “Gelbiskii Geerida- Q8aad”

Gelbiskii Geerida-7aad

Waan ku daalay raadistiisii. Wax aan deris la ahaa werwer badan oo iga hayey raacdada walaalkay Abshir. Malahayguna wuxu i farayey in uu iska beddalay baadi-soocdii.

Cidlo ayaan keli haabayey. Maraykan noloshiisa muddo dheer baa iigu danbaysay, wax macarifo ahina iima ay oolin. Waxa ii dheerayd shaqo la’aan waayo badanka shaqooyinka la ii soo bandhigay waxa ay ahaayeen shaqooyin xirfaddeyda ka hooseeya, isla mar ahaantaana qofnimadayda dhaawac ku ah.

 

Marar badan baan xidhiidh la sameeyey Xafiiska dhexe ee Sir-doonka Mareykanka si aan u soo ogaado halka uu sal iyo raad dhigay walaalkay. Waayo Abshir dudmadiisu wax ay ka dhalatay is-maandhaafkii na dhex maray labadayda. Waxa aan ahaa curadka reerka, waanan ku qasbanaa in aan xidho kabihii aabahay.

Si joogto ah ayaan u laasimay fadhiisiga goobaha ay Soomaalidu iskugu timaado aniga oo maanka ku hayey in aan heli doono tilmaan walaalkay ku saabsan. Wax aan ogaaday in walaalkay magaalada Minyaapulis uu diinta ka faafin jiray oo kullanadda jaaliyadda Soomaalidu ku soo bandhigi jiray qoraallo diineed iyo weliba wacyi-gelineed oo uu ugu baaqayey in diinta loo soo laabto, tilmaamayna in guushu ku jirto raacista dariiqii Nebigeenna Maxamed NNKH.

Abshir, waxa la ii sheegay in uu ka qayb-geli jiray casharrada diinta iyo muxaadarooyinka ay jeediyaan culimada Soomaalida ah iyo kuwa carabta ah. Wuxuuna waqti badan ku qaadan jiray xarunta islaamiga ee Daarul Faaruuq.

Safarkiisii xajka ee Sucuudiga in yar baa ogayd xogtiisa. Waxa ay ku qaadatay laba bilood in uu dib ugu soo laabto Mareykanka. Sida aan ku helay xogtii ciidamada ee aan markii danbe ka hawl-galay, wuxu Abshir dib u soo noqday isaga oo u eg nin ka soo laabtay waddan kale ee reer galbeed ah. Wuxu xidhnaa surwaal lugaha jeexan, garan gacmo-gaab ah, sillis dheer, dhagahana ay u sudhan yihiin xadhigga teleefan oo u muuqday qof heeso dhegaysanaya. Waxa aan se xaqiiqsaday mar danbe in ay ka ahayd indho-sarcaad iyo is yeel-yeel uu ciidanka marin-habaabinayey.

Soo guryo-noqoshadii Abshir waxa ay ku soo beegantay todobaad ka hor safarkii labaad ee Madaxweyne Obama ku tagayey Afrika. Waxa lagu hakiyey garoonka caalamiga ah ee Rochester iyada oo shaki laga muujiyey muuqaalkiisa isbedalay iyo safarka waqtiga dheer qaatay ee Sucuudiga.

Waqtigii uu ku sugnaa garoonka aad ayaa loo raajiyey, waraysi dheerna loola yeeshay. Ciidamadu waxa ay maalintaas si dheel ah u weydiiyeen su’aalo shakhsi ah oo ay qaarkood cabsi badnaayeen.

“Waxa aad ka timid Sucuudiga haddana waxad u eg tahay nin heesaa weyn ah.? Muusiga ma nooca kulul baad jeceshahay?” ayuu mid ka mid ah askarta Ilaalada Xuduudaha Maraykan weydiiyey.

Askarigaas, wuxu sii daaray dhinbiilo kulul oo ka dhex shidnaa qalbiga walaalkay. Abshir aad ayuu arrintaas uga sii xanaaqay, si weyna u damqaday dareenkii huursanaa ee uu awalba ka qabay dalalka reer galbeedka.

Ciidamada sir-doonku baadhis badan ayay ku sii wadeen wallow ay u oggolaaday in uu soo laabto. Isaguna taxadar badan ayuu muujiyey muddadaas wixii ka danbeeyey. Talaabo kasta oo uu qaadi jiray way u tirsanayd, wuxuunu dareensanaa in lagu daba-jiro, oo xogtiisu ilaalo laga hayo.

Abshir, wuxu shirar badan la yeelan jiray kooxo jihaadka aad u aamminsan, waxa ayna si tifaf-tiran u soo bandhigi jireen dhibaatada Mareykanku ku hayo ummadaha Islaamka ah. Abshir waxa ku sii badatay calool-xumada uu u qabo dalka uu ku suganaa iyo weliba kii uu wax ku soo bartay ee Kanada.

Walaalkay wuxuu isku dhigayey nin qurbaawi ah oo reer galbeednimadu madaxmartay si uu u marin habaabiyo dareenadda taban ee laga qabay qofka muslinimadu ku weyn tahay. Gobolka Minisootana si dhuumasho leh ayuu ugu sii dhex noolaa muddo dheer oo kale.

La soco