Gelbiskii Geerida- Q2aad


Maalintaa jidhkayga waxa roortay jidhiidhico tin ilaa cidhib. Waxa aan arkay dhiig kooban oo sankayga ka soo tifiq leh. Inta aan is-taagay ayaan suuliga u cararay, warqadii suuliga tiilna isku qabtay.

Maalintaas, waxa ay ii ahayd jewi adag iyo nolol beddelan. Waxa ii sawirmay meydadkii dadka aan waxba galabsan ee sida arxanka-daran u le’day. Muuqaalkii foosha xumaa ee qaraxu ka tagay, oohintii iyo jibaadkii ka baxayey dadkii goobta lagu dhaawacay.

Waxa aan dib u furay xog-ururiyihii ciidanka, aniga oo si niyad xun indhaha ula sii raacaya sawirka qofkan aan garanayo.

Naftaydayda ayaan dib u haaraamay, aniga oo isku canaanaya in aan ahay dambiile iyo qof dhoohan oo iska daa inuu baajiyo qaraxe, haba yaratee aan sii ablo-ablayn karin qaraxaas ummada badan galaaftay.

Miridho kooban gudahood, waxa maskaxdayda ku soo wada dhacayey muuqaallo kala duwan iyo male-awaal aad u badan oo aan naftayda kula shawrayo. Waxa aan is-weydiiyey maxaa is-qarxiyaha gaadhsiiyey in uu naftiisa ilaa heerkaasi u sadqeeyo? Maxaa cadhada daran geliyey? Muxuu u haligay nolosha dadkaas cawaynayey ee haddana ay diinta wadaageen? Mise diintiisa ayaa diintooda ka duwanayd? Mise qofnimadiisa ayaan ka qeexin duwanayd kuwooda? Ma cid kale ayaa dirsatay mise isagaa ahaa dirane fullinaya amar rabaani ah oo la faray?

Waxa mar keliya i wada saaqday cadho daran, culays-maskaxeed iyo cidhiidhi nololeed.

(La soco)

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.