Gelbiskii Geerida- Q11aad


Dhawr dharaarood oo danbe ayuu Abshir ka sii fakarayey weedhihii waannada lahaa iyo hadalladii xamaasadaysnaa ee Sheekh Yuusuf Cadaad. Abshir wuxu yaqiinsaday in Sheekhu waayo-arag u yahay nolosha qurbaha tiil iyo ta dalka gudihiisaba. In uu sii joogteeyo xidhiidhkiisa, Abshir xiiso weyn buu u qabay.

Aabo Shirre inta badan isma ay arki jirin wiilkiisa Abshir. Waxa ku badnaa safarada ganacsi ee uu ku tagi jiray deegaanadda kale duwan ee Gobolada Sanaag, Beri iyo Nugaal. Ganacsigiisa Kalluunku wuxu ahaa mid aad u suuq badan, shirkaddiisuna waxa ay u kobcaysay si xawli sare leh. Aabo Shirre wuxu filanayey in wiilashiisa, gaar ahaan Cumar-yare iyo Abshir, ay la maamuli doonaan ganacsiga bal se waxa ay ahaayeen niman aan u heelanayn amuuraha ganacsi ee aabahood waday.

Xidhiidhka Abshir la lahaa Sheekh Cadaad ma uusan joogsan. Waxa ay ku wada xidhiidhi jireen teleefanka gacanta xilliyada salaada Cishaa’i ka danbaysa. Abshir wuxu go’aansaday in uu safar kooban ku tago magaalada Gaalkacyo si uu mar kale qayb uga noqdo dacwadaha uu Sheekhu waday. Lama wadaagin xogta rasmiga ah ee safarkiisa Aabo Shire iyo Cumar yare. Keliya waxa uu u sheegay Cumar iyo aabo Shireba, in uu ugu baxayo safar tabliiqinnimo Gobolka Mudug oo uu rabo in uu aqoontiisa diinta ku soo xoojiyo. Cumar-yare wuu jeclaa in uu walaalkii ku weheliyo safarka waxa se maalmahaas u bilaabmay duruustii waxbarasho ee uu muddada fasax gaaban kaga maqnaa.

Abshir sahay badan ma sidan. Wuxu filanayey in aanu safarkiisa Gaalkacyo ka badnaan doonin laba caano-maal. Sidoo kale wuxu naawilayey in aanu guriga Sheekh Yuusuf ku sii nagaan doonin ee uu isla maalinta labaadba u hurdo tagi doono masaajidka ugu dhaw.

Safarka Abshir wuxu ahaa mid uu ku dal-baranayey. Dhulka bannaan ee dhirtu ku yar tahay iyo cimiladda kulaylaha ah ayuu aad ula dhacsanaa. Waxa aad ula yaabay dadka saboolka ah ee deegaanada uu maray iyo farxada wejiyadooda laga dheehan karayey. Dad wax la’aantu aanay niyad-semidooda waxba ka badalin oo lahaa qab iyo qiyam wacan ayuu la kulmayey.

Sheekh Yuusuf Cadaad baa si joogto ah teleefankiisa gacanta uga soo hagayey Abshir. Sheekhu waxa uu dareensana in Abshir ka baqo qabay safarkiisa Gaalkacyo wallow uu jeclaysanayey. Dadka gaadhiga la saarna weydiimo hor leh ayey ku darandoorinayeen Abshir iyaga oo uga jeeday in ay haasawe la sii yeeshaan.

Abshir wuu la yaabay nolosha cusub ee Gaalkacyo. Waa magaalo si walba uga duwan Boosaaso oo dadku hadalo dhaadheer yihiin, markastana la moodo in ay is dirirayaan. Sheekh Cadaad baa ka soo doonay istaankii gawaadhida, dabadeedna ku qaaday gaadhi ‘Surf’ ah. Abshir wuxu dhawr jeer ka soo hor baxay niman qoryo xambaarsan oo aan haddana dirays ciidan wadan. Waxa uu ka shaki qabay in aanay magaaladu u xasiloonayn sida Boosaaso, maamul si toos ah magaaladda gacanta ugu wada hayaana jirin.

Abshir labadii cisho ee u qorshaysnaa waxa ay isku badaleen laba bilood. Maalinba maalinta ka danbaysa ayuu xiisaha uu u hayey magaaladda Gaalkacyo iyo duruusta Sheekh Cadaad sii kordhayeen. Sheekhu qudhiisu aad buu u jeclaa maskax-furnaanta Abshir ee sida fudud ula jaan-qaaday xalqadaha sida joogtada ah ugu tebiyo dhallinyarada magaaladda ee ku xidhan Masaajidka Al-quba.

Abshir waxa u bilaabamay nolol kale oo cusub. Duruustii badnaa ee dhinaca keliya ku qotamay, kunna saabsanaa jihaadka iyo la-dirirka gaallada, ayaa si weyn u saaqday, oo hab-fakarkiisa la xidhiidha diinta u sii leexiyey dhinaca jihaadka. Isaguna ma heli jirin waqti firaaqo oo naftiisa kula sheekaysto, jawaabona ugu helo is-barbar dhigga waqtiga casriga ah iyo duruufihii jiray xilligii diinta Islaamku ugubka ahayd.

Mar kale ayey dib u kala lumeen Abshir iyo Aabo Shire. Abshir baa si ku talo-gal leh u tuuray teleefankiisii gacanta, si aanu mar danbe ugu laaban Boosaaso, xidhiidhkiina u jaray bahdaydii yar-yarayd. Waxa jiitay dhallinyaro firfircoon oo Sheekh Cadaad si gaar ah u layliyey, uguna diyaariyey in qayb ka noqdaan dib-u-curashada Soomaaliya kale oo diinta lagu maamulo, gaalladana laga sifeeyo.

Abshir mar danbe ayuu xaqiiqsaday in Sheekh Yuusuf ahaa madaxa abaabulka dhallinyarta iyo wacyi-gelinta ee Al-shabaab u qaabbilsan gobolka Mudug. Abshir sidii ayaa ugu danbaysay reerkoodii, mar danbena kuma laaban. Shuqul danbena kuma yeelan cid danbe oo ka soo raadisa.

Saddex bilood kadib ayaa Abshir iyo kooxdii dhallinyarta ahayd si dhuumasho ah loogu gudbiyey magaalo-xeebeedka Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Sheekh Cadaad si gaar ah buu ula dardaarmay Abshir, wuxuuna guntiga ugu guntay in liibaantu aanay ku jirin dunida guudkeeda waxa saran ee ay jirto dhinac aakhiro. Ta aakhirona ay tahay ta rasmiga ah ee lagu negaanayo, laguna helayo nolol sinnaan iyo cadaalad ku qotonta.

Abshir wuxu ka mid noqday dhallinyaro qurbaha ka timid oo lagu daray liiska xubnaha ka hawlgala Waaxda Ammniga u qaabilsan Kooxda Al-shabaab. Gaar ahaan wuxu ku biiray koox cusub oo si gaar ah loogu tabarayey in ay fuliyaan qaraxyada is-miidaaminta ah ee gobolada Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya. Wuxu galay leyli-jabhadnimo oo adag. Leyligaas oo uu ku qaadan jiray dhul buuraley ah oo dhagaxaan badan, ka hor inta aanay qoraxdu soo bixin. Mararka qaar waxa loo qaadi jiray dhulka beereedka webiga Shabbeele ku teedsan. Halkaas oo uu kulano kula qaadan jiray qaar ka mid ah madaxda u saraysa Al-shabaab, looguna dhigi jiray duruuso kale oo ku saabsan naf-huridda iyo ka-xorowga duullaanka gaallada.

Abshir waxa ay si dhaw iskugu xidheen tababare lagu naanaysi jiray Abu-Xasna. Kaas oo ahaa nin da’ dhexe ah oo aad u dhiiran, wejigiisana markasta qarin jiray. Wuxu waxbarashadiisa la xidhiidha cilmiga kiimikada ku diyaariyey Wadanka Norway, oo uu dhalasho ahaan ka soo jeeday.

Marnaba looma sheegi jirin meesha uu Abshir weerar ku noqon doono iyo dadka uu ku duulayo, midnaba. Tababare Abu-Xasna waxa lagu amray keliya inuu ku leyliyo sida layskugu darro walxaha qaraxa dhaliya iyo habka layskugu rakibo.

Abshir, muddadii uu dhuumalaysiga ku jiray waxa uu guursaday gabadh da’ yar oo lagu magacaabi jiray Kaltuun oo dhalasho ahaan ka soo jeeday deegaanadda Kismaayo. Gabadhaas oo ay wada noolaayeen intii uu tababarka ku jiray ee uu tegi jiray kaymaha ku yaal agagaarka Webiga Shabeele.

Kartida hoggaamineed ee uu Abshir muujiyey iyo weliba dhiiranaanta iyo hal-adaygnimada uu la yimidba, waxa ay soo jiidatay indhaha hoggaanka sarre ee Al-shabaab. Taas oo uu markii danbe madax looga dhigay dhallinyarta jihaad-doonka ah ee qurbaha ka soo qul-qulaysay; looguna sheegay in si lamid ah sidii loo siiyey iclaanka diimeed, iyagana uu u laqimo casharada jihaadka ku saabsan.

Nolol-maalmeedkiisu waxa ay ku koobnayd tun-ku-qaadista qoriga AK-47, oo aanu gacanta iyo keebka kala fogayn jirin. La-jooggiisa asxaabtiisa cusub iyo dhagaysiga nashiidooyin Islaami ah ayuu waqtiga firaaqada ku lumin jiray.

Abshir, aad buu u akhrisan jiray Quraanka iyo weliba buugaag af-Ingiriisi ku turjuman oo ku saabsan gaalaysiinta. Subaxdii timaadaba waxa loo daari jiray muxaarooyin af-ingiiriis ku baxaya, oo si xeel-sare leh uga waramaya dhibaatada haysta muslimka maanta nool. Waxa kolba la xasuusin jirey in uu aakhiro nolol fiican geli doono, isla markaana uu la kulmi doono Xural-cayn, adduunkana kaga tegi doono lib iyo gobannimo.

La soco

https://abdikadiraskar.com/

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.