Gelbiskii Geerida- Q12aad


Abshir waxa uu toosay inyar ka hore hiirtii waaberi. Dhaxan daran baa jirtay oo qofka u diidaysay in uu weysaysto, waa se uu ku qasbanaa in uu si uun maaro ugu helo. Laba rakacdood oo sunne ah ayuu ku tukaday mawlac ku dhex yiil xerada uu ku noola. Dabadeedna salaaddii subax buu ku xigsiiyey markii ay jamaacadii soo buuxsantay.

Mawlicii buu ku sii negaa oo uu ku akhrisanayey adkaar badan iyo aayado quraan ah ilaa diiggu cidii joojiyey. Abu-Xasna oo qori AK-47 ah xanbaarsan ayaa soo is-taagay afaafka hore ee mawlaca uu Abshir ku cibaadaysanayey. Suul-dhabaale ayuu ku soo jeediyey Abshir oo qushuuc la gadhoodhsan.

“Abshir, maanta waa maalintaadii. Waa maalinkii adiga iyo asxaabtii Nebi Maxamed (SWC) aad kulmi lahaydeen?” ayuu Abu-Xasna dhagta ugu riday Abshir.

Xerrada waxa horteeda gaardis ku ciyaarayey dhallinyaro badan oo afka dabooshay, kunna hadaaqaya nashiidooyin carbeed. Gaadhi weyn oo nooca xamuulka ah ayaa ku sugnaa goob u dhaw mawlaca uu Abshir ku tukanayey. Abshir dib buu ugu laabtay mawlicii, dabadeedna mar kale laba rakacadood ka gaadhsiiyey.

Abshir, hore ayuu u hayey xogta goobta loo asteeyey. Mar kale ayuu dardaaran kale uu siiyey Abu-Xasna isaga oo kolba dib u xasuusinaya nolosha lagu waarayo ee aakhiro iyo u anbabaxid Abshir ee hoygiisii rasmiga ah.

Wuxu ujeestay dhinaca waddada waqooyi ka gasha Xamar. Abaartiisuna waxa ay ahayd Hudheel Dal-jir, oo tiraba afar jeer si dhuumasho ah u yimid xilliyo kala duwan, qaxwena ku cabay goobo kala duwan oo isla hudheelka ah.

Abshir suunka ayaa u xidhanaa, waxaana ku baxayey heeso diini ah. Waa isla heesihii lagu toosin jiray subax kasta, ee qiirada gelin jiray. Il-bidhiqsi kasta oo uu socdo gaadhigu, xawaaraha ayuu kordhinayey, isaga oo Abshir xasuusan nolosha danbe ee sugaysa. Nolol uu in badan ku taamayey, oo uu sii saadaalinayey barwaaqadeeda!

Isbaaro kasta oo gaadhigiisa lagu joojiyo, ma ay dhaadayn walxaha qaraxa ee gaadhiga laga buuxiyey. Waayo dushiisa waxa lagu buuxiyey raashin iyo khudaar tiro badan oo lagu dul-cabeeyey walxaha qaraxa loo diyaariyey. Gadaal waxa saaran kuray kirishbay ah oo isna loo diyaarshay in Abshir la socodsiiyo deegaanadda ay kolba ka gudbayaan iyo dabeecadaha cusub ee ay kolba la kulmayaanba.

Sodcaal qaatay shan saac kadib, Abshir waxa uu soo gaadhay iridda hore ee Hudheel Dal-jir. Waa xilligii loo diyaargaroobayey qadada. Waxaana hudheelka ku sugnaa xildhibaano iyo saraakiil dawlada ka tirsan oo maalmahaasi aqoon is-weydaarsi la xidhiidha curinta xeerka caasimada lafo-gurayey.

Halkii buu isaga iyo gaadhigiiba ku dhex qarxeen, oo uu ku miray martidii Hudheel Dal-jir.

Abshir maanta waa iga hooseeya. Wuxuu se sahayday nolosha dad badan oo rayid ah oo diin-wadaag la ahayd. Sidaas baan walaalkay ku kala tagnay adduunka guudkiisa. Waanna qaddar Alle iyo fakar qaloocday. Anfariir awgeed baan gacmaha dhafoorka saartay. Waayo marnaba maskaxdayda ka gudhay muuqaalada iyo xusuusaha is-burinaya ee kolba i hor imanayey.

Waxa aan isku maararawsiiyaa sawirradii aanu wada galnay markii aanu yar-yarayn ee aanu Magaallada Toronto u soo guurnay. Walaalkay oo dhabarkayga saaran, foolkiisana ay ka muuqato farax iyo raynrayn badan. Waa sawirro aan aan ka helay Sanduuqayga Keydka Sawirrada.

Ballankii Kabtan Riijadh ee bandhigga xogaha aan isku duba-riday ayaa maanta ku eeg. Waxaana hoolka Saldhigga AFRICOM igu sugayey saraakiil aanu shaqo-wadaag ahayn, qaarkoodna aanan weligayba kulmin oo u dhag taagaya xuuraanka xogaha aan ku mashquulsanaa lixdii bilood ee ka danbaysay qaraxii Hudheel Dal-jir.

Afar caano-maal kadib, waxa aan dib ugu laabtay Muqdisho. Waxa aanan dalbaday fasax kooban oo nasasho ah. Naftaydu waxa ay rabtay degnaasho iyo in aan ka nasto culayskii nafsadeed ee aan wehelka la ahaa dharaarihii qadhaadhaa ee nolashayda u danbeeyey. Waxa ay ahaayeen lix bilood oo dhamac igaga kulul, lix sanadoodna ka dherer badan.

Jimce ay qoraxdu korkayga taagan tahay, badduna neecaw diiran soo afuufaysay, ayaan u dabaal tagay Xeebta Liido. Waxa aan iska maydhayey walaac badan oo igu soo kadiyey. Baddu se way iga diiday in ay iga dhaqdo werwerkaas aan kelida ku ahaa. Bataax ayaan is-tuuray, oo aan cadceeda isku dhigay. Cabbaar markaan indhaha is geliyey, gacmahana kala baxshay, ayaan ku hanbabaray rasaasta talan-taaliga u dhacaysa. Kor markii aan u boodayn, mise jilibka ayey xabbaddii iga haleeshay.

Waxa ay ahaayeen dhallinyartii Kubbadda wada cayaaraysay oo isku cadhootay, dabadeedna rasaas isku adeegsaday. Maalintaas Ilaah baa i baxshay, oo maalin kale ii dhigtay. Haddimada noocan ah nafdayda ayaa qabatintay, waxaan se niyada sasabo uga dhigaa in aan ahay ka ugu dhibka yar maanta xaaladda ka jirta Muqdisho.

Dhammaad.

http://www.abdikadiraskar.com

Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

w

Connecting to %s