Gelbiskii Geerida- 6aad

Muddo kadib waxa aan ku biiray ciidanka bilayska Kanada, waxa aanan ka noqday xubin ka hawlgasha qaybta denbi-baadhista Kooxda 55aad ee Badhtamaha Magaaladda Toronto.

Waxa aan noqday askari si foojigan uga qayb-qaata baadhista denbiyada la xidhiidha la-dagaalanka maandooriyaasha ee bulshada madow oo aan markii danbe ku helay dallacaado badan. Continue reading

Advertisements

Gelbiskii Geerida- 5aad

Maalin Axad ah oo aan daawanayey filin cusub oo maalmahaas soo baxay ‘Taken 3’ ayaan ku war helay sawaxan badan oo daaradda gurigayga ka baxaysey. Shaadhkaygii baan la booday dabadeedna si dhakhso leh dabaqii hoose ugu daadegay.

Mise waaba ciidan aad u tiro badan oo hor-tuman gurigayga. Waxa sheedda iiga muuqanayey walaalkay Abshir oo katiinadaysan, dhinac gaadhigii askartana loo sii wado. Kor ayaan u qayliyey aniga oo ku ordaya dhinacii loo sii waday. Bal se iima ay suurtogelin in aan gaadho waxaana i joojiyey Taliyihii ciidanka. Wuxuu iga codsaday in aan ku soo booqdo Saldhiga Qaybta 3aad, ee Eglinton. Continue reading

Gelbiskii Geerida- Q4aad

Ma xasuusto qiyaastii markii u horraysay ee uu u xuub-siibtay xag-jirnimada diinta, waxa aan se maqli jiray marar badan in ay saaxiibeen wiil carab ah oo dalka Yemen ka yimid iyo koox kale oo Suudaaniyiin ah oo ay isku fasal ahaayeen.

Waxa ay ahaayeen koox arday qurbaha ku kortay ah oo jecel dhaqanka diinta Islaamka ah. Marar badan ayay si wada-jir ah uga codsadeen maamulka jaamacaddooda in la siiyo goob ay ku tukadaan salaadaha xilliga ay waxbarashada ku jiraan. Taas oo markii danbe loo yeelay dalabkoodii. Continue reading

Gelbiskii Geerida- Q3aad

Walaalkay muddo dheer is-ma aanu arag. Waxa aan kala maqnayn qiyaastii saddex sannadood oo aan badanka ka shaqaynayey Barriga Afrika. Abshir wuxu ahaa wiil aad u maskax badan oo aan si gaar ah u jeclaa. Wuu igu dhalasho xigay, waxa aanan ka weynaa laba sanno.

Waxa aanu ahayn walaalo dhib iyo dheefba soo maray, soonna wadaagay. Guud ahaa waxaanu ahayn afar walaalo ah: aniga, isaga iyo weliba laba hablood. Hooyaday iyo aabbahay waxa ay kala tageen in yar kadib markii aan ka guurnay Mareykanka ee aanu degnaasho rasmi ah ka dalbanay dawladda Kanada. Continue reading

Gelbiskii Geerida- Q2aad

Maalintaa jidhkayga waxa roortay jidhiidhico tin ilaa cidhib. Waxa aan arkay dhiig kooban oo sankayga ka soo tifiq leh. Inta aan is-taagay ayaan suuliga u cararay, warqadii suuliga tiilna isku qabtay.

Maalintaas, waxa ay ii ahayd jewi adag iyo nolol beddelan. Waxa ii sawirmay meydadkii dadka aan waxba galabsan ee sida arxanka-daran u le’day. Muuqaalkii foosha xumaa ee qaraxu ka tagay, oohintii iyo jibaadkii ka baxayey dadkii goobta lagu dhaawacay. Continue reading

Gelbiskii Geerida- Q1aad

Dhawaqa aan maqlayey wuxu ahaa mid aad u daran oo aan ku sigtay in ay dhagahu i qarxaan. Dhawr il-bidhiqsi gudaheed, waxa soo dhacday laambadii ii shidnayd, dabadeedna ku burburtay miiskaygii dushiisii. Aniga oo naxsan ayaan day-mooday daaqadii qolka aan ku jiray, waxa meel durugsan iiga muuqanayey dab aad u weyn iyo uuro is-wata oo hawaddii wada qabsaday.

Bannaanka qolka hadaan u soo booday, waxa aan arkay dadkii oo wada yaacaya. Waxa mar keliya isla wada oogsaday oohinta iyo baroorta dadka. Marka kadib ayaan bushaqadaydii gacanta la sii haleelay, dabadeedna cagaha wax ka dayey. Continue reading