KAS iyo KARAAN

Support independent publishing: Buy this book on Lulu.

Buuggan waxa uu weeleeyey sheekooyin-fanneed si farshaxanimo sarre leh u iftiiminaya wacyiga nololeed ee dhallinyaradda Soomaalida.

Waxaanu xambaarsan yahay sheekooyin dareen- taabad leh, oo naftaada kaga tagaya fakar dheer iyo falsafado ugub ah.

Continue reading “KAS iyo KARAAN”

Advertisements

Windrush Generation: A re-examination of Britain’s Race Relations

Abstract

This paper studies the arrival of ‘Windrush Generation’ and how it has contributed to Britain’s multi-cultural society. Drawing heavily from the historical process, which seeks to explain how the West Indians arrived in Britain and integrated into a predominately White Britons, the paper critically examines into why the immigrants’ expectations of welcoming reception and a better life were not initially met. It also carefully interrogates the struggles and challenges that the Caribbean migrants went through and the racial pressures that surrounded their integration into British society. In the end, the paper further looks at the implications that their arrival had on the state of race relations and political environment that surrounded in the adaptation of Immigration Control Acts.

Continue reading “Windrush Generation: A re-examination of Britain’s Race Relations”

Itoobiya: Halkee Ayey U Soctaa?

Abdikadir-Dayib-Askar--696x693
Cabdiqaadir Dayib Askar

Wadankii ugu dhaqaale korniinka badnaa dunidu wuu bukoonaya. Waxa halis ku jira jiritaankiisii, duniduna farta ayey wadnaha ku haysaa. Afartii sanno ee la soo dhaafay, Itoobiya waxa lugaha ugu duubmay maro-boob siyaasadeed iyo mid amni-darro. Sumcaddii diblumaasiyadeed ee ay dunida iyo Afrikaba ku lahayd baa dhaawac la gaadhsiiyey. Dhaqaalahoodii culays weyn baa soo foodsaaray, waxaan hoos u sii dhacaya dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo maalgeshigii shisheeyaha, taas oo keentay in heerka shaqo la’aantu si xawli ah sarre ugu kaco. Continue reading “Itoobiya: Halkee Ayey U Soctaa?”

Hal Dawlad, Hal Cod

Midkeena keligii kuma noola ‘meere’ u gaar ah. Waayo waxa aynu nahay bulsho dareen-wadaag ah oo is-huran, kunna qasban in ay wada-xidhiidh yeelato. Sow hore looguma maahmaahin, ‘war la helyaaba, tallo la hel.’

Hadaba, waxa aan uga gol-leeyahay qoraalkan in aan qeexid kooban ka bixiyo muhiimadda Wada-Xidhiidhka Dawladda. Wada-Xidhiidhka Dawladdu waa mid laba geesood ah- dawladda iyo shacabkeeda. Ula-jeedada laga leeyahay waa in ay dawladdu si faahfaahsan ugu gudbiso muwaadiniinta xogta ku saabsan waxqabadkeeda, siyaasadeheeda iyo hiigsigeedaba. Waa astaan muujinaysa maamul wanaag, kanna turjumaysa dastuurkeena ku dhisan nidaamka dimquraadiyadeed. Continue reading “Hal Dawlad, Hal Cod”

Gelbiskii Geerida- Q 10aad

Abshir waxa xarun u noqday Masaajidka Al-Hidaaya oo uu u ahaa goob uu ku cibaadaysto, si taxane ahna ugu xidhnaa duruusta diiniga ah ee lagu dhigo waqtiyada salaadaha Casar iyo Maqrib u dhaxayeeya. Masaajidku wuxu u ahaa goob uu kaga kaaftoomay fadhiisigii maqaaxiyaha iyo la sheekaysigii suuq-joogtada ay Boosaaso ku caanka ahayd.

Si tartiib-tartiib ah ayuu la macaamilkiisii dadku u kobcay. Abshir waxa caado u ahayd in uu xidhiidh la sameeyo sheekh kasta oo muxaadiro u jeediya si uu weydiimo hor leh ugu sii qod-qodo duruustooda. Taas oo nafsi ahaan kobcisay, kunna abbuurtay firfircooni maskaxadeed oo cusub. Continue reading “Gelbiskii Geerida- Q 10aad”

Gelbiskii Geerida- Q9aad

Abshir in uu la qabsado jewigii cusbaa ee Boosaaso ma ay ahayn mid sahlan. Waxa ka hortimid dabeecaddii cimiladda iyo af-soomaaliga oo aanu si fiican ugu xidhiidhi karin.

Aabo Shire wuxu noqday ganacsade si weyn looga tix-geliyo Boosaaso. Wuxu lahaa shirkad kalluunka ka ganacsata oo xafiisyo ku leh Boosaaso, Garoowe iyo Laas-qoray. Ganacsigaas oo si weyn uu ugu macaashay, hanti badan ka helay. Continue reading “Gelbiskii Geerida- Q9aad”

Doorashada Kiiniya, Duruus Ugu Filan Somaliland

Ma fududa, marka la joogo dunidda Saddexaad ah, gaar ahaan dal Afrikaan ah, in madaxweyne xilka ku fadhiya, doorasho looga adkaado. Waayo waxa uu gacanta ku hayaa ‘awood aan xad lahayn’, wuxuuna u bedali  karaa ‘awoodaas’ mid isaga ugu shaqaysa ‘sida uu rabo’, oo aan haddana lagula xisaabtamin. Arrintan waxa ay tahay boog madow oo ku taalla damiirka shucuubta ku nool Dunida Saddexaad, waxa ayna  wiiqdaa korniinka dawladnimado iyo geedi-socodka dimuqraadiyadeed. Continue reading “Doorashada Kiiniya, Duruus Ugu Filan Somaliland”