Dhiilka Dawarsiga

Waa barqo loo balansan yahay kulan lagu soo af-meerayo mashruuc bini-aadanimo oo socday muddo laba sanno ah. Kulanka waxa ka soo qaybgalay dad ajaanib u badan iyo dhawr Soomaali ah. Ajaanibku waxa ay isugu jiraan kuwo madow iyo kuwo cadaan ah. Hal-hal qof baa loo jeedinayey waxqabadkii qabsoomay, loogana fal-celinayey in la gaadhay yoolkii iyo in kale.

Dareenkayga waxa soo jiitay sheekadii u danbaysay. Continue reading

Advertisements

Itoobiya: Halkee Ayey U Soctaa?

Abdikadir-Dayib-Askar--696x693

Cabdiqaadir Dayib Askar

Wadankii ugu dhaqaale korniinka badnaa dunidu wuu bukoonaya. Waxa halis ku jira jiritaankiisii, duniduna farta ayey wadnaha ku haysaa. Afartii sanno ee la soo dhaafay, Itoobiya waxa lugaha ugu duubmay maro-boob siyaasadeed iyo mid amni-darro. Sumcaddii diblumaasiyadeed ee ay dunida iyo Afrikaba ku lahayd baa dhaawac la gaadhsiiyey. Dhaqaalahoodii culays weyn baa soo foodsaaray, waxaan hoos u sii dhacaya dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo maalgeshigii shisheeyaha, taas oo keentay in heerka shaqo la’aantu si xawli ah sarre ugu kaco. Continue reading

Gelbiskii Geerida

Gelbiskii Geerida

Waa sheeko-faneed murugo iyo saxariir-nafeed xanbaarsan. Dhagaraha dhacaya ee sheekadan ku duugani waa is-difaacid, nolol-raadis iyo aar-goosi lagu xardhay midab-diimeed.

Sawirro is-micnaynaya oo si walba u xanuun badan, daboolkanna ka qaadaya nolosha adag ee laga dhaxlay is-eedkii shacabka Soomaaliyeed. Continue reading

Gelbiskii Geerida- Q12aad

Abshir waxa uu toosay inyar ka hore hiirtii waaberi. Dhaxan daran baa jirtay oo qofka u diidaysay in uu weysaysto, waa se uu ku qasbanaa in uu si uun maaro ugu helo. Laba rakacdood oo sunne ah ayuu ku tukaday mawlac ku dhex yiil xerada uu ku noola. Dabadeedna salaaddii subax buu ku xigsiiyey markii ay jamaacadii soo buuxsantay.

Mawlicii buu ku sii negaa oo uu ku akhrisanayey adkaar badan iyo aayado quraan ah ilaa diiggu cidii joojiyey. Abu-Xasna oo qori AK-47 ah xanbaarsan ayaa soo is-taagay afaafka hore ee mawlaca uu Abshir ku cibaadaysanayey. Suul-dhabaale ayuu ku soo jeediyey Abshir oo qushuuc la gadhoodhsan. Continue reading

Gelbiskii Geerida- Q11aad

Dhawr dharaarood oo danbe ayuu Abshir ka sii fakarayey weedhihii waannada lahaa iyo hadalladii xamaasadaysnaa ee Sheekh Yuusuf Cadaad. Abshir wuxu yaqiinsaday in Sheekhu waayo-arag u yahay nolosha qurbaha tiil iyo ta dalka gudihiisaba. In uu sii joogteeyo xidhiidhkiisa, Abshir xiiso weyn buu u qabay.

Aabo Shirre inta badan isma ay arki jirin wiilkiisa Abshir. Waxa ku badnaa safarada ganacsi ee uu ku tagi jiray deegaanadda kale duwan ee Gobolada Sanaag, Beri iyo Nugaal. Ganacsigiisa Kalluunku wuxu ahaa mid aad u suuq badan, shirkaddiisuna waxa ay u kobcaysay si xawli sare leh. Aabo Shirre wuxu filanayey in wiilashiisa, gaar ahaan Cumar-yare iyo Abshir, ay la maamuli doonaan ganacsiga bal se waxa ay ahaayeen niman aan u heelanayn amuuraha ganacsi ee aabahood waday. Continue reading

Gelbiskii Geerida- Q8aad

Giiraanta waqtigu way rooraysay. Il-bidhiqsi kasta wuxu ahaa mid xiiso gaar ah huwan oo aan la dhaadayn goorta uu ku dhaafay. Xogaha uu xafiiskaygu isku soo ururiyey waxa ay ahaayeen kuwo amakaag leh. Rumaysigoodu ma uu hawl yarayn waxa ayna u baahnaayeen in laysku xidhiidhiyo si dhacdooyinku u noqdaan kuwo isa-sudhan.

Dib ayaan ugu soo laabtay xafiiskaygii ku dhex yiil Saldhiga Militari ee AFRICOM. Dabadeedna waxa aan furtay kombuytarkayga gacanta oo lagu soo shubay muuqaalo cusub iyo codad kala duwan oo laga soo ururiyey dadkii Abshir isku yaqiineen Mareykanka. Continue reading