Gelbiskii Geerida- Q12aad


Abshir waxa uu toosay inyar ka hore hiirtii waaberi. Dhaxan daran baa jirtay oo qofka u diidaysay in uu weysaysto, waa se uu ku qasbanaa in uu si uun maaro ugu helo. Laba rakacdood oo sunne ah ayuu ku tukaday mawlac ku dhex yiil xerada uu ku noola. Dabadeedna salaaddii subax buu ku xigsiiyey markii ay jamaacadii soo buuxsantay.

Mawlicii buu ku sii negaa oo uu ku akhrisanayey adkaar badan iyo aayado quraan ah ilaa diiggu cidii joojiyey. Abu-Xasna oo qori AK-47 ah xanbaarsan ayaa soo is-taagay afaafka hore ee mawlaca uu Abshir ku cibaadaysanayey. Suul-dhabaale ayuu ku soo jeediyey Abshir oo qushuuc la gadhoodhsan. Read More


Gelbiskii Geerida- Q11aad


Dhawr dharaarood oo danbe ayuu Abshir ka sii fakarayey weedhihii waannada lahaa iyo hadalladii xamaasadaysnaa ee Sheekh Yuusuf Cadaad. Abshir wuxu yaqiinsaday in Sheekhu waayo-arag u yahay nolosha qurbaha tiil iyo ta dalka gudihiisaba. In uu sii joogteeyo xidhiidhkiisa, Abshir xiiso weyn buu u qabay.

Aabo Shirre inta badan isma ay arki jirin wiilkiisa Abshir. Waxa ku badnaa safarada ganacsi ee uu ku tagi jiray deegaanadda kale duwan ee Gobolada Sanaag, Beri iyo Nugaal. Ganacsigiisa Kalluunku wuxu ahaa mid aad u suuq badan, shirkaddiisuna waxa ay u kobcaysay si xawli sare leh. Aabo Shirre wuxu filanayey in wiilashiisa, gaar ahaan Cumar-yare iyo Abshir, ay la maamuli doonaan ganacsiga bal se waxa ay ahaayeen niman aan u heelanayn amuuraha ganacsi ee aabahood waday. Read More


Gelbiskii Geerida- Q 10aad


Abshir waxa xarun u noqday Masaajidka Al-Hidaaya oo uu u ahaa goob uu ku cibaadaysto, si taxane ahna ugu xidhnaa duruusta diiniga ah ee lagu dhigo waqtiyada salaadaha Casar iyo Maqrib u dhaxayeeya. Masaajidku wuxu u ahaa goob uu kaga kaaftoomay fadhiisigii maqaaxiyaha iyo la sheekaysigii suuq-joogtada ay Boosaaso ku caanka ahayd.

Si tartiib-tartiib ah ayuu la macaamilkiisii dadku u kobcay. Abshir waxa caado u ahayd in uu xidhiidh la sameeyo sheekh kasta oo muxaadiro u jeediya si uu weydiimo hor leh ugu sii qod-qodo duruustooda. Taas oo nafsi ahaan kobcisay, kunna abbuurtay firfircooni maskaxadeed oo cusub. Read More


Gelbiskii Geerida- Q9aad


Abshir in uu la qabsado jewigii cusbaa ee Boosaaso ma ay ahayn mid sahlan. Waxa ka hortimid dabeecaddii cimiladda iyo af-soomaaliga oo aanu si fiican ugu xidhiidhi karin.

Aabo Shire wuxu noqday ganacsade si weyn looga tix-geliyo Boosaaso. Wuxu lahaa shirkad kalluunka ka ganacsata oo xafiisyo ku leh Boosaaso, Garoowe iyo Laas-qoray. Ganacsigaas oo si weyn uu ugu macaashay, hanti badan ka helay. Read More


Gelbiskii Geerida- Q8aad


Giiraanta waqtigu way rooraysay. Il-bidhiqsi kasta wuxu ahaa mid xiiso gaar ah huwan oo aan la dhaadayn goorta uu ku dhaafay. Xogaha uu xafiiskaygu isku soo ururiyey waxa ay ahaayeen kuwo amakaag leh. Rumaysigoodu ma uu hawl yarayn waxa ayna u baahnaayeen in laysku xidhiidhiyo si dhacdooyinku u noqdaan kuwo isa-sudhan.

Dib ayaan ugu soo laabtay xafiiskaygii ku dhex yiil Saldhiga Militari ee AFRICOM. Dabadeedna waxa aan furtay kombuytarkayga gacanta oo lagu soo shubay muuqaalo cusub iyo codad kala duwan oo laga soo ururiyey dadkii Abshir isku yaqiineen Mareykanka. Read More