The Rise of the BRICS in Africa: Developmental or Self-Interest?

The rise of the BRICS countries, particularly China,  has reshaped the economic and geopolitical realities in Africa for the past two decades. Across infrastructure financing, trade, investment and aid, there is no other traditional Western Power with such colossal engagement in Africa than China. The Chinese companies invest enormously in all across Africa by bringing new technologies, creating jobs, developing skills for the local Africans and immensely contributing to the Africa state’s public revenue. The recent Africa-China economic relationship has threatened the dominance of the traditional ‘Great Powers’ in the fields of economics and geopolitics.  There are challenges that make the Sino/Africa relations unbalanced such as the Chinese workers and the ‘cheap’  products overflowing African domestic markets.  Considering both sides of the coin, however, China’s involvement in Africa is perceived positively by Africans,  and China is  a significant partner who has generated multiple prospects for African development despite Africa’s development move is relatively slow. Continue reading “The Rise of the BRICS in Africa: Developmental or Self-Interest?”

Hal Dawlad, Hal Cod

Midkeena keligii kuma noola ‘meere’ u gaar ah. Waayo waxa aynu nahay bulsho dareen-wadaag ah oo is-huran, kunna qasban in ay wada-xidhiidh yeelato. Sow hore looguma maahmaahin, ‘war la helyaaba, tallo la hel.’

Hadaba, waxa aan uga gol-leeyahay qoraalkan in aan qeexid kooban ka bixiyo muhiimadda Wada-Xidhiidhka Dawladda. Wada-Xidhiidhka Dawladdu waa mid laba geesood ah- dawladda iyo shacabkeeda. Ula-jeedada laga leeyahay waa in ay dawladdu si faahfaahsan ugu gudbiso muwaadiniinta xogta ku saabsan waxqabadkeeda, siyaasadeheeda iyo hiigsigeedaba. Waa astaan muujinaysa maamul wanaag, kanna turjumaysa dastuurkeena ku dhisan nidaamka dimquraadiyadeed. Continue reading “Hal Dawlad, Hal Cod”

Gelbiskii Geerida- Q12aad

Abshir waxa uu toosay inyar ka hore hiirtii waaberi. Dhaxan daran baa jirtay oo qofka u diidaysay in uu weysaysto, waa se uu ku qasbanaa in uu si uun maaro ugu helo. Laba rakacdood oo sunne ah ayuu ku tukaday mawlac ku dhex yiil xerada uu ku noola. Dabadeedna salaaddii subax buu ku xigsiiyey markii ay jamaacadii soo buuxsantay.

Mawlicii buu ku sii negaa oo uu ku akhrisanayey adkaar badan iyo aayado quraan ah ilaa diiggu cidii joojiyey. Abu-Xasna oo qori AK-47 ah xanbaarsan ayaa soo is-taagay afaafka hore ee mawlaca uu Abshir ku cibaadaysanayey. Suul-dhabaale ayuu ku soo jeediyey Abshir oo qushuuc la gadhoodhsan. Continue reading “Gelbiskii Geerida- Q12aad”

Gelbiskii Geerida- Q9aad

Abshir in uu la qabsado jewigii cusbaa ee Boosaaso ma ay ahayn mid sahlan. Waxa ka hortimid dabeecaddii cimiladda iyo af-soomaaliga oo aanu si fiican ugu xidhiidhi karin.

Aabo Shire wuxu noqday ganacsade si weyn looga tix-geliyo Boosaaso. Wuxu lahaa shirkad kalluunka ka ganacsata oo xafiisyo ku leh Boosaaso, Garoowe iyo Laas-qoray. Ganacsigaas oo si weyn uu ugu macaashay, hanti badan ka helay. Continue reading “Gelbiskii Geerida- Q9aad”

Gelbiskii Geerida- Q8aad

Giiraanta waqtigu way rooraysay. Il-bidhiqsi kasta wuxu ahaa mid xiiso gaar ah huwan oo aan la dhaadayn goorta uu ku dhaafay. Xogaha uu xafiiskaygu isku soo ururiyey waxa ay ahaayeen kuwo amakaag leh. Rumaysigoodu ma uu hawl yarayn waxa ayna u baahnaayeen in laysku xidhiidhiyo si dhacdooyinku u noqdaan kuwo isa-sudhan.

Dib ayaan ugu soo laabtay xafiiskaygii ku dhex yiil Saldhiga Militari ee AFRICOM. Dabadeedna waxa aan furtay kombuytarkayga gacanta oo lagu soo shubay muuqaalo cusub iyo codad kala duwan oo laga soo ururiyey dadkii Abshir isku yaqiineen Mareykanka. Continue reading “Gelbiskii Geerida- Q8aad”